Sawirro:-Maamulka Jubbaland oo u digay dadka iibsada Dhulalka Sharcidarrada

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Khamiis ah shir gudoomiyay kulanka caadiga ah ee golaha Xukuumada Jubbaland.

Kulanka maanta waxaa lagaga hadlay biyo la’aan ka jirta Degmada Afmadow iyo deegano kale oo katirsan Jubbaland waxaana golahu uu warbixin ka dhagaystay xubno katirsan Xukuumada oo maalmahii lasoo dhaafay loo xil saaray in qiimayn ay ku sameeyaan sidii gargaarka biyo dhaaminta loo dardar galin lahaa iyo amba qaadka qorshe waara oo aan mar danbe biyo yaraantu kusoo noqon deegaanadaas.

Xubnaha golaha Wasiiradu waxay bogaadiyeen gurmadka Xukuumada iyo Shacabku ay ka wadaan meelaha biyo la’aantu ay ka jirto iyadoo la isku raacay in kaalmo dheeri ah la gaarsiiyo meelaha dhibaataa ugu daran ay ka jirto.

Dhinaca kale waxaa golahu ay ka doodeen caqabado maalmahii lasoo dhaafay ka taagnaa dhulka Dowlada waxaana golahu uu meel mariyay in dhamaan dhulka dhisan iyo midka banaan ee Dowlada ay yihiin lama taabtan cidii ku xad gudubtana sharciga la marsiinayo.

Dhamaan Dadweynaha ku nool Magaalada Kismaayo iyo deeganada kale ee Jubbaland ayaa looga digay in aysan ku kadsoomin iibsashada iyo dhismaha ama deegaamaynta Xarumaha danta guud.

Dhinaca kale golahu wuxuu ku booriyay Wasaarada Maaliyada in ay sii dardar galiso hawlaha midaynta dakhliga Dowlada iyadoo Wasaaradu ay meel wanaagsan marinayso midaynta Canshuuraha dhamaan deeganada Jubbaland.

Qorshaha midaynta dakhliga Dowlada ayaa la gaarsiinayaa dhamaan deeganada iyo Degmooyinka xorta ah ee Jubbaland bilowga Sanadkan.

…….DHAMAAAAAD…..

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media