Sawirro:-Maamulka G/Banaadir oo xariga ka jaray Kawaanka Malaayga Xamarweyne

Munaasabadda Xarig jarka Kawaanka malaayga ee Xamar weyne, ayaa waxaa ka qeyb galay, Wasiir ku xiggeenka Wasaaradda Kaluumeysiga Soomaaliya, Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Maamulka Gobolka Banaadir  Maxamed Cabdullaahi Maxamed Tuulax, Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshadda Gobolka Banaadir Basma Caamir Jakeeti , Guddoomiyaha Degmada Xamar weyne Cumar Shariif jeeg.

Kawaankan oo in muddo ah Burbursanaa dhibaata badna ay ku qabeyn dadka ku ganacsada ayaa waxaa iska kaashaday dib u dhiskiisa Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay’ada NRC, kuwaas oo dhismayaal ku cusub ku soo kordhiyay kawaanka Malaayga Xamar-weyne.

Guddoomiyaha Degmadda Xamar weyne Mudane Cumar Shariif ayaa ka sheegay Munaasabadda in Maamulka iyo Bulshada Degmada Xamar weyne ay aad Muhiim ugu aheyd Dib dhiska lagu sameeyay Kawaanka malaayga Xamar weyne, waxaana uu sheegay in cidkasta oo gacan ka geysatay ay uga Mahadcelinayaan.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir oo ugu danbeyn ka hadlay Munaasabadda ayaa sheegay in Maamulka Gobolka ay ka go’an tahay hormarinta Adeegyadda Kaluumeysiga Soomaaliya gaar ahaan Caasimadda, waxaana uu intaasi ku daray in Kaluumeystada Soomaaliyeed  maamulka gacan wanaagsan uu ka sii doono Casriyeenta iyo dib u nooleyta Shaqadooda.

Kawaanka Malaayga ee Degmadda Xamar weyne ayaa ka mid ah kawaanadda ugu waqtiga dheer dalka, waxaana Bulshada Degmadda ay sheegeen in Maamulka iyo Ha’adda dhistay aad ugu Mahacelinayaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media