Sawirro:-Maamulka G/Banaadir oo bur buriyey dhismooyin Sharcidarro ahaa

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa saakay gebi ahaanba waxa uu bur buriyey dhismaha Garoonkii Kubadda Cagta Jenyo kaas oo la sheegay in si sharcidarro ah loo dhistay.

Howlahaan bur burinta ah ayaa daba socday kadib markii todobaad ka hor guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu amray in dhismahaas laga guuro.

Duqa Muqdisho oo goobjoog ka ahaa goobta ay bur burinta ka socotay ayaa sheegay in dhismahaas uu ahaa mid sharcidarro ah.

Saakay waxaan bur burinay dhismihii sharci darada ahaa ee laga dhisay garoonkii kooxda kubada cagta ee LLP-Jeenyo.

Goordhow la socda Codadka iyo Warbixinta oo dhameystiran.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor