Sawirro:-Maalinta Naafada Aduunka oo Muqdisho laga xusay

Sadexda december  oo ah Maalinta Caalamiga ee Naafadada Aduunka ayaa munaasabad lagu xusayey oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho waxaa kasoo qeyb galay Masuuliyiinta Wasaaradaha Haweenka,Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Warfaafinta iyo Dastuurka, waxaana loogu talo galay in lagu dhiiro galiyo dadka qaba baahiyaha gaarka ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha oo ugu horeyn munaasabadda kahadlay ayaa sheegay in munaasabadaan ay leedahay ahmiyad gaar ah islamarkaana loogu talo galay dadka qaba baahiyaha gaarka ah.

Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya Eng: C/raxmaan Cumar Cismaan iyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Abuukaate C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa munaasabdda ka sheegay in dadka Naafadaha ay mudan yihiin in la dhiiro galiyo islamarkaana door wanaagsan ay ku yeeshaan horumarada Bulshada.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xukumadda Soomaaliya  Saalax Axmed Jaamac  ayaa shegay in ka wasaarad ahaan ay diyaar u yahiin in mar walibo ay u adeegaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf oo gaba gabada munaasabadda ka  hadashay ayaa shegtay  in  xukumadda  ay diyaar u tahay in dadka naafada ah la caaawiyo.

16-ka December  sanadkii 1962-kii  ayey aheyd markii Golaha Guud ee Qaramada Miidoobey ay u aqoonsadeen 3-dii December iney tahay Maalinta Caalamiga ee Naafada Aduunka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media