Sawirro:-Kulanka Baarlamaanka Soomaaliya oo ka furmay Magaalada Muqdisho

Waxaa Goordhow Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ka furmay kulanka Baarlamanka Soomaaliya kaas oo Maanta loo balansanaa.

Kulankaan ayaa ah Kalfadhiga 2-aad kulankiisa 22-aad waxaana goob-joog ah 155 xildhibaan, waxaana shir gudoominaya Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Ajandaha Maanta kulanka ayaa ahaa  sidii ay xildhibaanada u ansixin lahaayeen ama ay u diidi lahaayeen heshiiskii Isdhaafsiga Maxaabiista ee Soomaaliya iyo Indiya.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa dhageysan doona Akhrinta warbixinta Guddiga Madaxbanaan ee Xuduudaha dalka kaas oo horay u soo maray Akhrinta Koowaad.

Hoos Ka Daawo Sawirrada kulanka Baarlamaanka

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media