Sawirro:-Jubbaland oo xukun dil ah ku fulisay Askari dilay Xaaskiisa

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee dowlad goboleedka jubbaland ayaa Maanta waxay xukun dil ah ku fulisay saddex askari oo ku eedaysanaa fal-dambiyeedyo dil ah oo uu ku jiro Askari horay u dilay xaaskiisa.

Falka toogashada wuxuu ka dhacday halka loo yaqaano Baarcaleen oo ah dhanka galbeed ee laga soo galo magaalada Kismaayo.

Saddexda Askari ee Xukunka dilka ah lagu fuliyey ayaa waxa ay kala yihiin.

Cabdullaahi Asad Ismaacil oo horay u dilay xaaskiisi marxuumad Muxubo Maxamed Guure

C/rashiid Axmed Xasan oo horay u dilay Marxuum Maxamed Cabdullaahi Xirsi

Aadan Cabdi Muumin oo horay u dilay  Marxuum Cawil Colow Xasan.

Goobta uu ka dhacayay fulinta xukunka dilka toogashada ah ayaa waxaa ku sugnaa Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowlad goboleedka Jubbaland iyo ehelada Ciidamada dilka toogashada ah lagu fuliyey.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor