Sawirro:-Jubbaland oo Puntland ku wareejiyay Askarigii Kufsiga iyo dhaawaca u geystay Gabar 16 Jir ah

Maanta ayaa waxaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa ka duushay diyaarad Siday Cabdirisaaq Warsame oo ka tirsan ciidamada Puntland kaas oo Boosaaso ka geystay fal kufsi iyo dhaawac ah.

Askariagan oo Habeeno ka hor ay qabteen ciidamada sirdoonka Jubbaland ayaa dhawaan Boosaaso waxa uu tacadi kufsi iyo dhaawac ah ugu geystay Gabar lagu Magacaabo Faa’izo isaga oo Xubinta Taranka Xabad kaga dhuftay.

Taliska Booliiska Jubbaland ayaa Maanta lagu arkayay kismaayo iyaga oo wada Cabdirisaaq isaga oo Gacmaah ay katiinad uga xiran tahay.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhawaan sheegay in Askarigaas oo ka tirsan ciidamada Badda Puntland la maxkamadeyn doono..

Sawirro

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media