Sawirro:-In ka badan 10 ruux oo ku geeriyootay Magalada Baladweyne

Inta la xaqiijiyey ku dhawaad 10 Ruux ayaa geeriyooday halka in ka badan ay dhaawacmeen kadib markii ay rogmatay Makiinada loo yaqaano Cagaf Cagafta xilli ay dhex mareysay qeybo ka mid ah Xaafadaha Magalada Baladweyne oo ay biyo dhex jiifaan.

Cagataan ayaa ka timid deegaanka Ceeljaale ee duleedka Baladweyne oo ay kun sugan yihiin badi dadkii ka barakacay fatahaada Wabiga ee Magalada Baladweyne waxaana saarnaa ilaa 50 ruux,iyada oo rogmatay xilli ay dhex mareysay goob ay biyo ka buuxaan maadaama wabiga uu Baladweyne fahataad ka sameeyey.

Gaariga cagaf cagta ah ayaa ah gaariga kaliya ee xiligaan laga isticmaalo magalada baladweyne tan iyo markii ay soo baxday fatahaada webiga shabeelle taasoo aaney jirin gaari kale oo mari kara biyaha dhexdooda ee Magalada Baladweyne.

Dadka geeriyooday ayaa dhamaantood rag ahaa waxaana sidookale lasoo  badbaadiyay ilaa 30 qof oo ka mid ahaa dadkii saarnaa Gaariga cagaf cagfta ah.

Hoos Ka Daawo Sawirrada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media