Sawirro:-Howlgal hubka dhigis ah oo laga sameeyay Magaalada Cabudwaaq

Howlgalkan ayaa waxaa Maanta gudaha degmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud ka sameeyay Ciidamo gaar ah oo la wareegay Magaaladaas si ay amniga u xaqiijiyan.

Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa lagu arkayay gudaha degmada Cabudwaaq kuwaas oo hubka dhigis ku sameynayay Maleeshiyaad mararka qaar hub ku dhex qaata Magaalada Cabudwaaq.

Saraakiisha ciidamada degmada Cabudwaaq ayaa waxa ay Warbaahinta u sheegeen in howlgalkaas uu yahay mid looga hortagayo iskudhacyo ka dhaca Magaaladaas,

Arrintaan ayaa ka dambeysay kadib markii Madaxweyne Farmaajo uu Gudi u saaray sidii looga hortegi lahaa dagaalo ku soo laab laabtay Magaaladaas kadib booqasho uu dhawaan halkaasi ku tegay.

Sawirro