Sawirro:-Heshiis laga gaaray Sicir bararkii ka dhashay diidmada lacagta Shilinka Soomaaliga

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas,ayaa la kulmay qaar ka mid ah Ganacsatada ku nool Gobolada Dhexe si xal looga gaaro dhibatooyinka ka dhashay diidmada lacagta Shilinka Soomaaliga ah.

Kulanka oo lagu qabtay Magaalada Garoowe,ayaa Ganacsatadii ka qeybgashay iyo Madaxda Puntland waxa ay gaareen hehsiis ka kooban

In lacagta shillin Soomaaliga ah dhammaateed sidii hore u shaqayso,marka        laga reebo lacagta been abuurka ah iyo midda aan lahayn tayyadii lacageed ee loo baahnaa.
si loola socdo dhaqdhaqaaqa lacagaha, wixii ka badan 50,000,000 Sh. So,  (konton milyan), waxaa la marinayaa Bangiga Dawladda Puntland.
Waxaa lagu heshiiyey in sarifka lacagta lagu ilaaliyo halkii doolarba sideed iyo labaatan kun ( 28, 000 Sh. So).

Gaariga lagu haystey Gaalkacayo waxaa lagu sii daynayaa shuruud la’aan kharashka hawsha gaarigaas ku baxayna sidii ay hore uga heshiiyeen waxaa bixinaya Dawladda Puntland iyo Galmudug.
Dawladda Puntland waxay gaadiidka badeecadaha u wada gobolada dhexe ee Soomaaliya ( transit goods) ka cafisay lacagta dejinta ee lagu qaadi jirey kastamka Gaalkacayo.

Waxay Dawladda Puntland u fududaynaysaa gaadiidka badeecadaha u wada gobolada dhexe ee Soomaaliya safarka, waxaa reeban in gaadiidka raran lagu xayiro Kastamada Puntland, waana in saraakiisha Kastamada Puntland si hufan u gutaan waajibaad kooda,

Waxaa la isla gartay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sidii dib loogu furilahaa waddada laamiga ah ee isku xirta dalka ee ka xiran dhinaca koonfureed ee Gaalkacayo.
Dhammaan qodobada kor ku xusan waxaa lagu samaynkaraa dib u eegis markii loo baahdo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay is afgaradkani heshiis ayaa sheegay in uu tageerayo, isla maraana ayidayo is afgaradkaasi, waxaana uu Madaxweynuhu si gaara u bogaadiyey qodobada heshiis ee ku saabsan lacagta shili Soomaalig, taasi oo madaxweynuhu ku timaamayu in tacagtani tahay midda keliya ee dalkeenu leeyahay.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa cadeeyey in Puntland diyaar u tahay  horumarinta iyo wax wada qabsiga ganacsiga ka dhexeeya Puntland iyo gobolada dhexe ee Soomaaliya, isla markaana ay Dawladda Puntland ka go’an tahay wax ka qabashada caqabad walba oo lid ku ah ganacsiga Puntland iyo gobolada Dhexe.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa faray, amrayna dhammaan shacabka iyo shaqaalaha dawladda Puntland in siday tahay loo qaato loona dhaqan geliyo qodobada laysla qaatay laykuna af-gartay.

Sawirro

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media