Sawirro:- Hay’adda Wadaniga ee EFASOM oo tababar Maanta ku soo gaba gabeeysay Muqdisho

Maanta oo ay taariikhdu tahay 20-November-2017 waxaa la soo gabagabeeyey tababarkii socday muddadii saddex maalin ahayd 18-19-20 November 2017 oo ay soo qaban qaabisay hay’adda EFASOM kaasoo lagu baranaayey Maamulka, Maareynta waxbarashada, Hoggaanka, Maamul wanaaga iyo Qorsheynta.

Ujjeedada tababarkani ayaa ahaa sidii kor loo qaadi lahaa heerka maamulka iyo hogaanka wanaagsan ee Dalladaha Waxbarshadaha, Wasaaradda Waxbarashada iyo hayadaha ka tirsan Bulshada Rayidka

Tababarkani waxaa maalgeliyey Global Campaign for Education iyadoo ay gacan ka heleyso ururka caalamiga ah ee Global Partnership for Education.

Ka qeyb-galayaasha ayaa ahaa 30 xubnood oo ka kala socdey Dalladaha Waxbarshadaha, Wasaaradda Waxbarashada iyo hayadaha ka tirsan Bulshada Rayidka

Furitaankii tababarka waxaa ka Hadley, Agaasimaha Waaxda Dalladaha Waxbarshada ee Wasaaradda Waxabrashada Hidaha iyo Tacliinta Sare Mudane: Muuse Maxamed Caraalle wuxuna inta badan ku nuux nuuxsaday in tababarkaan soconayaa 3 maalmood ay ka faa’ideystaan ka qeybgalaasha Tababarka islamarkaana ay ku maareeyaan hay’adihii ay ka yimaadeen si awooddooda shaqo ay kor ugu qaadaan kana faa’ideystaan Fududeyaasha Tababarka bixinaayo. Kadib wuxuu mudane Muuse Maxamed Caraalle ku soo dhaweeyey Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda EFASOM Mudane: Prof. Xuseen Tooxow Faarax wuxuu aad ugu dheeraday waxqabadka EFASOM isagoo ka sheekeeyey in ay EFASOM dalka Somaaliya gaar ahaan Koonfurta iyo Bartmaha Somaaliya ay ka qabatay dhinac Wacyigalinta Waxbarashada islamarkaana ay Wasaaradda Waxbarashada kala tashato wax kasta oo ay qabaneyso EFASOM

Waxaa xeritaankii goobta ka Hadley mid ka mid ah macallimiinta tababarka bixinaayey Mudane: Maxamed Aadan (Keydsane) waxaan u mahadcelinyaa Allihii saddex barri noogu dhammeeyey si nabadgelyo ah mar labaad waxaan u mahadcelinyaa dhammaan ka soo qeybgalayaashii , macallimiinta iyo hay’adda EFASOM waxaan la dardaarmayaa ka qeybgalayaasha in cashardii inta ay ka barteen ay ku dabaqaan hay’adihii ay ka yimaadeen.

Mar kale waxaa qaatay hadalka mid ka mid ah ka soo qeyb-galayaasha Mudane: Sheekh Xasan Calasow wuxuuna aad ugu nuux-nuxsaday baahida ay u qabaan tababarkan waxaaan u mahad celinayaa hay’adda EFASOM iyo dhamaan ka soo qeyb-galayaasha.

Guddoomiyaha IFTIN FOUNDATION Mudane: Abdiqaadir Maxamed wuxuu aad ugu nuux-nuuxsaday shaqada ay qabato Iftin Foundation wuxuu kaloona caddeeyey in Hay’adiisu ka tirsan tahay ama xubin ka tahay Ururka Waddaniga ah ee EFASOM wuxuuna soo jeediyey in laga shaqeeyo tayada waxbarashada lagana shaqeeyo nabadda.

Guddoomiyaha EFASOM Mudane: Maxamuud Cabdi Maxamuud, wuxuu guul ku tilmaamay mudadii seddexda berri aheyd ee uu tababarka socday in uu noogu dhamaaday si nabadgelyo ah waxaana u mahadcelinayaa macallimiintii tababarka bixineysay iyo ka soo qeyb-galayaasha dhamaantooda tababarkii halkan ka baxayna waxey muhiim u tahay dhammaan bahda waxbrashada iyo bulshda rayidka islamarkaana ay la wadaagaan wax ay ka barteen tababarka walaalaha kale aan fursada u helin.

Waxaa si rasmi ah u furey hadana u xerey tababarka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare Mudane Xasan Maxamed Cali marka hore waxaan u mahadcelinyaa Hay’ada EFASOM dadaalka ay mar walba muujiso iyo daahfurnaanta ay kula shaqeyso Wasaardda Waxbarshada iyo la wadaagida ay mar kasta la wadaagto xogta Wasaaradda Waxbarashada barnaamijkaana wuxuu ku yimid wada tashi Wasaardda iyo EFASOM marka dalladaha iyo Hay’adaha waxaa laga rabaa in sidaas oo kale ula tashtaan Wasaaradda si ay howlahooda ugu fududaadaan barnaamij kasta oo ku saabsan Waxbarshada in laga talo galiyo Wasaardda si ay uga dhiibtaan fikirkooda madaama aad maanta aad ku baraneysaan Tababarkaan Maamulka, Maareynta Waxbarashada, Hoggaanka, Maamul Wanaaga iyo Qorsdheynta inaad tababrkaan ula noqotaan Hay’adaha aad ka socotaan ugana faa’iideysaan xubnaha aan fursada u helin ee ka tirsan hay’adiina islamarkaana aad ku camal fashaan waxaad ka barateen Tababarkaan. Waxaan mar kale u mahacelinayaa EFASOM oo mar kasta qabato tababar uga faa’iideynayaan bahda Waxbarshada waxaan kaloo u mahadcelinyaa Fududeyaasha tabaabrka bixinaayo oo ah khubaro aad ugu xeel dheer casharda ay bixinyaan waxaana leeyahay ka qeybgalayaasha haka faa’iideystaan khuburadaan bixinaayo casharada.

Xeritaankii tababarka wuxuu yirey: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyio Tacliinta Sare Mudane Xasan Maxamed Cali anigoo ku hadlaya magaca Wasaaradda Waxbarashada waxaan u mahadcelinaya dhamaan macallimiinta tababarka bixineysay, ka soo qeybgalayaasha iyo hay’adda EFASOM.”waxaan mar labaad u mahadcelinayaa sida ay wasaaradda ula shaqeeyaan EFASOM waxaan kaloo ka codsanayaa hay’adaha kale ee ka shaqeeyo waxbrashada sida EFASOM oo kale in ay la soo xiriiraan Wasaaradda Waxbrashada” ayuu raaciyey.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media