Sawirro:-Hay’adda Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo Xafiis ka furatay Gobolka Bakool

Waxaa Maanta xariga laga jaray Xafiiska Cusub ee Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ay ka furatay Hay’adda waaxda  Socdaalka iyo Jinsiyadaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Xfiiskaan ayaa sigaar ah u bixin doona baasa boorada,waxana xafiiskii ugu horeeyay ee Hay’ada Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ay ka furato Gobolka Bakool.

Munaasabad xariga looga jarayay oo lagu qbatay degmada Xudur ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Hirgelinta Xafiiskaan ayaa waxaa Gacan weyn ka geystay  taliyaha Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo Cumar Xaaji Ibraahim, Madaxweynaha koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, , Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda DFS Col. Mohamed Aadan Jimcaale (KOOFI).

Agaasimaha Hayadda Socdaalka iyo Jinsyadda_Laanta_Koonfur_Galbeed Soomaaliya Cali Maxamed_Cli ( Cali Dhuux) ayaa u mahad celiyay dhamaan dadkii ka qeyb qaatay furitaanka Xafiiska Waaxda Socdaalka iyo jinsiyadaha uu ka furtay Magaalada xudur ee Xrunta Gobolka Bakool.

Hoos Ka Daawo Sawirrada Furitaanka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media