Sawirro:-Hay’adda Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo Xafiis ka furatay Balad Xaawo

Markii ugu horeysay ayaa waxaa Hay’adda Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya waxa ay Xarun ka furatay Magaalada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo.

Xafiiskaan ayaa waxaa daahfuray Agaasimaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo uu wehliyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxa.

Balad Xaawo ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa ka taagneyd xiisad u dhaxeysay dadka deegaanka iyo ciidanka Kenya kadib markii Kenya ay bilaawday dhismaha darbiga ay ka dhiseyso Magaalada Balad Xaawo.

Masuuliyiintii ka hadashay munaasabada lagu furayay Xafiiska Waaxda iyo socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa waxa ay sheegeen in ay sidhow ula socon doonaan ilaalinta Xadka islamarkaana aanan lagu soo xadgudbi Karin.

Sawirro

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media