Hay’adda Warbaahinada Madaxa Banaan ee SIMHA ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ugu qabtay Suxufiyiin tababar lagu barayay Anshaxa Saxaafada kaas oo ay ka faa’iideysanayeen.
Tababarkan ayaa waxaa ka faa’iideysatay in ka badan 50 Suxufi oo ka howlgalla Muqdisho,waxaana qodobadii ugu muhiimsanaa ee tababarkaasi ka mid ahaa.
Hoos Ka Akhriso Qodobadii lagu bartay tababarkaas.
- Xushmaynta runta iyo xaqa dadweynuhu u leeyihiin ogaanshaha xaqiiqda jirta, waana waajibka koowaad ee wariyaha.
- Wariyuhu waxaa uu mar walba difaacayaa mabaadii’da xorriyadda hadalka, wuxuuna ku difaacayaa xog-ururin daacad ah, oggolaanshaha xuquuqda aragti dhiibasho aan xad-gudub lahayn iyo daabacaadda iyo baahinta warka.
- Wariyuhu waa in uu tebiyaa warka xaqiiqda ah keliya, waana in aanu meesha ka saarin war iyo macluumaad muhiim ah oo jira, ama aanu beddelin, ama been-abuurin qoraal iyo document si uu u marin habaabiyo dadweynaha.
- Wariyuhu waa in uu kala saaro war iyo aragti (news & opinion) ka yimid qof gaar ah ama xarun warbaahineed, isla markaana si cad u xuso cidda aragtida la soo bandhigay iska leh. Sidoo kale, Wariyuhu waa in uu kala soocaa warka iyo iidhehyada ganacsiga.
- Wariyuhu waxa keliya ee uu adeegsanayo waa hannaan xaq ah, si uu u helo war, muuqaallo iyo qoraallo, umana bannaana in uu ku raadiyo warka qaab handadaad ah, dabagal gaar ah oo ceebayn iyo rabshad kicin ku salaysan.
- Wariyuhu waa in uusan xirfaddiisa wariyenimo u adeegsan in uu kaga faa’iideysto dano gaar ah.
- Wariyuhu waa in uu isu sheegaa cidda uu warka ka doonayo, oo aanu si sir ah (qarsoodi) wax u duubin (haddii ayan jirin sababo qasbaya oo danta dadweynuhu ku jirto.)
- Wariyuhu waa in uu saxo qaladaadkiisa kana dabatago war kasta oo la baahiyay lana ogaaday in uu khalad yahay.
- Suxufiga waxaa saaran waajib (moral obligation) in uu afido (qariyo) dadka u warrama ama ilaha qarsoon ee uu xogta ka helo. Tusaale:- xushmaynta damaanadda duubis la’aaneed (off-the-record).
- Wariyuhu waa in uu ka fogoodo baahinta war ku saleysan dhiirigalin faquuq isir, mid jinsi, lahjad gaar ah, diin, siyaasad, heyb, dalka iyo bulshada uu ka soo jeedo darteed ama aragti kale.
- Wariyuhu waa in uu ilaaliyaa xuquuqda qoraallada, sheekooyinka iyo sawirrada dadka kale, mana baahin karo ogolaasho la’aan.
- Waryuhu waa inuusan ku sifoobin si xun wax u sheegid, colaad hurin, sharaf dil, aflagaaddo, qaadashada laaluush nooc kasta ah.
- Wariyuhu waa inuu dhawraa sharafta diinta, dalka, dadka iyo noloshooda khaaska ah, tan qoysaskooda iyo hantidooda.
- Wariyuhu ma faafin karo xog ku saabsan carruurta ayadoo aan ogolaasho looga helin cidda mas’uulka ka ah. Sidoo kale ma baahin karo warbixinnada dadka u nugul takoorka, sida: (dhibbanayaasha kufsiga, dadka dhimirka la’ iyo dadka qaba HIV-AIDS, iwm), haddii aan looga haysan ogolaansho.
- Wariyuhu waa inuu si feejigan uga waramaa dacwadaha maxkamadaha ka socda ee aan weli go’aan laga gaarin, ugumana yeeri karo danbiile qof aanay maxkamad ku helin danbi.
- Wariyuhu waa inuu ka madax bannaan yahay nooc kasta oo cadaadis ah oo caqabad ku noqonaya shaqadiisa.
- Wariyaha laguma khasbi karo baahinta xog been abuur ah.
- Wariyuhu waa inuusan xaqiida xogta uga leexan qof jeclaysi, koox jeclaysi iyo qaadashada haddiyad iyo laaluush.
- Wariyaha waa inuu ogolaado daacadna ka ahaado xaqa jawaab-celinta dadka la dhaliilay ama la eedeeyay.
- Wariyaha waxaa waajib ku ah in uu si buuxda ugu dhaqmo qodobada anshaxa ee kor lagu xusay.