Sawirro:-Hay’adda SIMHA oo Muqdisho ku soo gaba-gabeysay Tababar ku saabsan Badqabka Suxufiga

In ka badan 25-Suxufi ayaa Arbacadii maanta loo soo gaba-gabeeyay tababar ku saabsanaa badqabka wariyaha kaas oo socday mudo labo maalin ah,waxaana Siminaarkaa qabatay Hey’ada ay ku mideysan yihiin Warbaahinada Madaxabanaan ee SIMHA.

Labada maalin ee uu socday tababarka ayaa waxa ay la isku dhaafsaday aragtiyo la xiriira caqabadaha ku hor gudban Wariyeyaasha,waxaana doodaasi ka qeyb qaadanayay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Boliska Soomaaliya.

C/nuur Maxamed Axmed Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada oo shalay ka hadlay furitaanka tababarkaasi ayaa sheegay in hadda uu soo wanaagsanaanayo xiriirka Wariyeyaasha iyo Maamulka Dalka ka jira ee dowladda Federaalka ah Soomaaliya.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumer Xalane ahna Agaasimaha Howlaha guud ee Dowlada hoose ayaa dhankiisa bogaadiyay marxalada ay ku shaqeeyaan Suxufiyiinta,waxaana uu soo dhaweeyay in iminka laga wada hadlo sidii loo wanaajin lahaa xiriirka Suxufiyiinta kala dhexeeya Ciidamada iyo Waaxda Cadaalada.

Gudoomiyaha Hey’ada Simha Ahna Agaasimaha Dalsan Radio and TV  Xasan Cali Geesey ayaa ka hadlay Muhiimada siminaarkaas ay Wariyeyaasha ugu qabteen,isaga oo sheegay in ahmiyadu ay tahay sidii sare loogu qaadi lahaa fahanka Suxufiyiinta ee xaaladaha mar waliba caqabada ku keena,iyo in hey’addaha amaanka iyo kuwo Cadaaladana ay ogaadaan dhibaatooyinka Suxufiyiinta ee kala kulmaan Hey’adahaasi

Wariyeyaashii tababarkaa ka qeyb galay ayaa bogaadiyay talaabada Hey’ada SIMHA ay isugu howshay in ay dood ku qabato hey’adaha amaanka, Cadaalada iyo Wariyeyaasha si kor loogu qaado fahanka u dhaxeeya dhinacyadaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media