Sawirro:-Hay’adda SAARO oo qabatay Kulanka ku saabsan dib u habeynta Suugaanta iyo kaalinta ay ku leedahay dhiirigelinta Nabada

Qaban qaabada kulanka ayaa waxaa lahaa Hay’adda  SAARO, oo ah Urur Bulsho una dooda dhiiragelinta dhaqanka iyo Suugaanleyda iyo dib u habeynteeda isla markaana maalgeliyay waxaana qeyb ka ahaa abaabulkiisa Akadeemiyada Cilmiga fanka iyo Suugaanta ee loo yaqaano  SOMASA iyo Golaha Abwaaniinta  oo suurtageliyay qabsoomida barnaamijkaan

Dood ayaa dhex maratay ka qeyb galayaasha barnaamijkaan iyo masuuliyintii masraxa ku sugnaa oo ay ka mid ahaayeen abwaan Xassan Maxamed Xaaji Guulwade, jawaahir Maxamuud Baarqab oo ka socotay gobolka banaadir, Cabdi kaafi Maxamuud Makaraan oo isna ka socday gobolka Banaadir, Abwaan Maxamed Maxamuud Shidde oo ka socday Golaha Abwaaniinta  iyo Abwaan Xersi Dhuux oo ah gudoomiye ku xigeenka Golahaas iyo Xaawo Maxamuud oo ah muusikiiste.

Ugu horeyn waxaa kulanka ka hadlay gudoomiyaha  Akadeemiyada Cilmiga fanka iyo Suugaanta  waxa uuna sheegay in loo baahan yahay in sida la casriyeey suugaanta iyo wadada loo mari karo isaga oo  u mahad celiyay Ururka dib u habeynta doodista fanka EE SAARO.

Maareeyaha tiyaatarka Qaranka Abwaan Cabdi dhuux ayaa isna sheegay in horumarin iyo tababarid ay u baahan yihiin Suuganleyda  da’da yar ee bedeli lahaa waxa uuna u mahad celiyay Madaxda Hay’adda SAARO.

Abwaan Xassan Maxamed Xaaji Guulwade ayaa ka sheekeeyay taariikhda dhaqanka iyo suugaanta iyo sida ay kaalinta ugu leedahay dhiiragelinta  nabada horumarinta Ummadda wuxuuna Hay’adda SAARO ugu baaqay madaxdeeda in ay badiyaan kulamada noocan oo kale ah.

Gudoomiye ku xigeenka hay’adda SAARO Maxamed Sandheere ayaa isaga  oo ku hadlaya Magaca  SAARO soo bandhigay kaalinta ay Suugaanta ka ciyaari karto dhiiragelinta bulshada dowlad wanaaga isla xisaabtanka ka doodista iyo dib u habeynta fanka si loo gaaro hiigsiga iyo dhiirigelinta nabada gaar ahaan wacyigelinta dhalinyarada iyo haweenka saarana ay ciyaareyso kaalin ah fududeynta iyo isku xirka bulshada iyo suugaanleyda waxa uuna yiri.

“Bulshada boqolkiiba 75 waa dhalinyaro waxa  ayna wajahayaan dhibaatoyin farabadan oo ay ka mid yihiin isku dhacyada hubeysan tahriibka oo waqti kasta dhalinyaro badan naftooda ku waayaan iyo burcad badeednimada oo sababto kuwo aan dembi laheyn in ay dhibaato ka soo gaarto gaar ahaan kaluumeysatada ayuu yiri Maxamed Sandheere”

Sidoo kale waxa uu sheegay in dalkeena uusan laheyn tiyaatar shaqeeya isla markaana uu leeyahay kaliya hal garoon oo saddex xili ciyaareed lagu qabto sidoo kale malaha leybareeri (Magtabad) waxayna bulshada noqdeen 13 milyan oo ku jahwareersan ka qeyb qaadashada siyaasada si loo baro in ay doorkooda ciyaari karaan iyaga oo Suugaanta adeegsanaya.

Waxaa ugu dambeyn kulanka soo xiray gudoomiyaha Ururka haweenka gobolka banaadir Jawaahir Maxamuud Baarqab waxayna ku dheeraatay in suugaanta dadka baahida u qaba ay badankood yihiin haween yihiin isla markaana ay  ku dhiiragelisay in ay suugaanta ay dadka ku dhiirigeliyaan Nabada.

Sidoo kale  waxa ay sheegtay in ay dhowr mar aragtay  hay’adda  SAARO oo dadka wax ku boorineysa uguna baaqday in ay siiwadaan.

Hoos ka Daawo Sawirrada Kulanka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media