Dhageyso:-Hay’adaha ku shaqada leh Dib-U-Eegista Dastuurka iyo Bulshada Rayidka Puntland oo kulmay+Sawirro

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Gudigga La-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka ee labada Aqal iyo Gudigga Madaxabanaan ee Dib-U-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa waxay kulan wadatashi ah la qaateen Ururada Bulshada Rayidka ee Puntland.

Kulanka ayaa ahaa mid talabixin ku saabsan Geedi-socodka socodka Dib-U-Eegista Dastuurka looga dhageysanayay Bulshada Rayidka ee Puntland.

Wasiir Cabdi Xoosh oo ka hadlayay kulanka ayaa yiri “Waxaan aaminsanahay in Bulshada Rayidka ay door wayn ku leeyihiin Geedi-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka waxaana naga go’an in aan talooyinkiina dhageeysanno oo aan tixgelinno”

Sidoo kale, Gudoomiyayaasha labada Guddi Mudane Maxamed Daahir Afrax iyo Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Kaamil ayaa waxay sheegeen in Bulshada Rayidka talooyinkooda ay yihiin kuwo muhiimad wayn leh oo ay tahay in wadatashiyo badan lala yeesho.

Ugu dambayn, xubnihii ka socday Ururada Bulshada Rayidka ee Puntland ayaa waxay talooyin u soo gudbiyeen sedexda Hay’ad ee ku shaqada leh Dib-U-Eegista Dastuurka.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiir Xoosh.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media