Sawirro:-Hanti dhowraha Qaranka oo Maanta  xilkii la wareegay

Munaasabad uu Maanta xilka kula wareegayay Hanti dhowraha Cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu qabtay Gudaha Magaalada Muqdisho.

Munaasabada ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdullaahi Shiikh Cali Qaloocow,iyo Masuuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay Hanti dhowraha Qaranka, waxuuna cadeeyay in uu yahay mas’uul khibrad dheer u leh xilka loo magacaabay in muddo ahna ku soo shaqeyay, wuxuuna tilmaamay in uu aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa uga faa’iidaynayo dalkiisa.

Intaas kadib waxaa xilkii Hanti Dhowrka wareejiyay Cali Abuukar Axmed oo si KMG,ah xilkaasi u hayay,isaga oo ku wareejiyay Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) oo dhawaan loo magacaabay.

Sawirro

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media