Sawirro:-Gudoomiyihii hore iyo kan Cusub ee G/Banaadir oo Caawa kulmay

Gudoomiyaha Cusub gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng, C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa Caawa Gurgiisa ku booqday Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed.

Labada masuul ayaa waxaa dhex maray kulan xog isweeydaarsi ah,waxaana gudoomiyihii hore uu muujiyay in uu sidhow iyo sidheer ula Shaqeyn doono Eng.Yariisow gudoomiyaha Cusub.

Kulankaan ayaa sida la sheegay waxaa ka soo sheegay Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale,waxaana goobjoog ka ahaa masuuliyiin uu ka mid ahaa Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya Mustaf Dhuxuloow.

Arrintaan ayaa ku soo aadeysa xili Caawa Taabit uu ku dhawaaqay in uu aqbalay xilka qaadistii lagu sameeyay,islamarkaana uu xilka ku wareejin doono.

Sawirro

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media