Sawirro:-Gudoomiye Taabit oo shir gudoomiyay kulan lagu qabtay Aqalka dowladda Hoose

Guddoomiyaha  Maamulka Gobolka Banaadir ahna duqa Magaaladda Muqdisho Mudane Taabit Cabdi Maxamed, ayaa shir guddoomiyey Shir looga hadlayey Barnaamijka Deriseynta iyo amniga Muqdisho oo lagu qabtay Xarunta dowladda hoose ee Xamar.

Shirkaan, ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku xiggeenada iyo xoghayaha  maamulka Gobolka Banaadir, guddoomiyeyaasha dagmooyinka Gobolka, Saraakiisha Ciidamada iyo Ururada Bulshadda.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Taabit Cabdi Maxamed,  ayaa sheegay in Barnaamijka Deriseynta iyo Amniga uu aad muhiim ugu yahay Bulshadda Gobolka Banaadir ku nool, waxaana uu ugu baaqay inay ka qeyb qaataan hirgelintiisa.

Hoos Ka Daawo Sawirrada

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media