Sawirro:-Gudoomiye Taabit oo Booqday Guriga Sanoter Cabdi Qeybdiid ee Maanta la weeraray

Kadib weerarkii duhurnimadii Maanta lagu qaaday Hoyga Sanoter Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa waxaa booqday Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho.

Taabit Cabdi Maxamed iyo Xubno la socday ayaa kulan xog wareysi ah la qaatay Sanoter Cabdi Qeybdiid oo Gurgiisa qeyb ka mid ah ay jejebiyeen Ciidamadii weeraray sida uu sheegay.

Gudoomiye Taabit ayaa falkaasi lagu weeraray Guriga Cabdi Qeybdiid ku tilmaamay wax laga xumaado.

“Waxaan aad ugu xumahay falkii argagaxa lahaa ee loo geystay familka & Hoyga Guddomiyaha Guddiga Dastuurka ee Labada Gole ee Baarlamaanka Senator Cabdi Xassan Cawaale (Sen Cabdi- Qeybdiid). Hadda ayaan ka imid Hoyga Senatorka oo aan soo arkay dhibkii meesha ka dhacay”

Sidoo kale waxa uu qalad ku tilmaamay in in sisharcidaro ah loo xiro muwaadin Soomaaliyeed waliba ka mid ah Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya”

“Wax la aqbali karo ma ahan in muwaadin si sharcidarro ah gurigiisa lagu weeraro, familkiisana argagax loogu geysto, iskaba dayee Senator Qaran oo xasaanad buuxda leh. Waa in sharciga si deg deg ah loo horgeeyaa kuwa falkan argagax leh geystay iyo cid alaale cidii amarkaas bixisay”

Ugu dambeyn waxa uu ku baaq u diray madaxda ugu sareysa dalka.

“Waxaan markale cod dheer ugu baaqayaa Dowladda Federaalka in Amniga Gobolka Benaadir sida sharciga uu qabo si toos ah loo hoos geeyo Golaha Amniga Gobolka Benaadir si mas’uuliyadda amniga Gobolkan u yeelato Isla-xisaabtan dhab ah”

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media