Sawirro:-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Maanta dhagax dhigay Wado Muhiim ah

Masuuliyiin uu ka mid yahay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa Maanta dhagax dhigay Wadada Janaral Daa’uud oo dayactir lagu sameynayo.

Wadadaan ayaa isku xirta Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere ilaa Wadada Soddonka ee degmada Warta-Nabada ee Gobolkaan Banaadir oo dayactir lagu sameyn doono.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in ciidamada amniga in xiliyada ay sugayaan amniga ay Wadooyinka dhigaan dhagxaan iyo waxyaabo kale kuwaas oo sahli kara in ay burburto.

Waxa uu ugu baaqay Ciidamada in ay joojiyaan waxyaabaha ay dhigayaan wadada, isla markaana ay keenaan waxyaabo loogu talo galay in Gawaaridu in ay istaagto.

Hoos Ka Daawo Sawirrada dhagax dhiga

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media