Sawirro:-Gudoomiyaha G/Banaadir oo Shir Caalami ah uga qeyb galaya Talyaaniga

Taabit Cabdi Maxamed Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray Magaalada Roma ee Caasimadda dalka Talyaaniga.

Wafdiga ayaa waxaa ka mid ah Xoghayaha guud ee Gobolka Banaadir Subeyda Maxamed Mukhtaar,waxaana ujeedada Wafdiga Gudoomiyaha ayaa lagu sheegay in uu Talyaaniga gaar ahaan Shir ka dhacaya Magaalada Roma uu ka qeybgeli doono kaas oo looga hadlayo Horumarka iyo koritaanka ay sameynayaan Magaalooyinka Caalamka.

Shirkaan oo ah heer Caalami ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgeli doona Gudoomiyaal metelaya Caasimado badan oo Wadamada Qaarada Afrika ah.

Sawirro laga soo qaaday gudoomiye Taabid oo ku sugan dalka Talyaaniga ayaa waxa ay muujinayaan in Gacantiisa Bidix ay weli ku xiran tahay Maro Gaduudaan taas oo uu ku muujinayo sida uu uga xun yahay qarixii khasaaraha geystay ee 14 Bishii Octoper ee Sanadkaan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Hoos Ka Daawo Sawirrada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media