Sawirro:-Gudoomiyaha G/Banaadir oo la kulmay Wafdi ka socda Dowladda Shiinaha

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socda dawladda Shiinaha oo ay ka mid yihiin shirkado ka shaqeeya horumarinta magaalooyinka.

Guddoomiye Yariisow ayaa wafdiga Shiinaha kala hadlay Horumarinta Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo sidii ula tartami lahayd caasimadaha caalamka, gaar ahaan horumarinta iyo dhismaha jidad casri ah, dib-u-howlgelinta Nalalka haga gaadiidka ee Samaafalaha, Soolarro casri ah iyo bulaacadaha.

Sidoo kale,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho Eng: C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa hoosta ka xariiqay iney Wafdiga Dowladda Shiinaha isla soo hadal qaadeen sidii magaalada Muqdisho u heli lahayd maalgashi qeyb weyn ka qaata horumarka socda.

“Kulanka aan la qaatay wafdiga ka socda dawladda Shiinaha ee kamid ahaayeen shirkadaha ka shaqeeya horumarinta magaalooyinka casriga ah, waxaan iskula soo qaadnay sidii Caasimadda dalka Soomaaliya ay ula tartami lahayd caasimadaha kale ee caalamka, waana ku heshiinay, gaar ahaan horumarinta iyo dhismaha jidad casri ah, dib-u-howlgelinta Nalalka haga gaadiidka ee Samaafalaha, Soolarro casri ah iyo xal u helidda bullaacadaha”. Ayuu yiri Eng Yarisow.

Madaxa Waaxda Cilmi baarista iyo muxudadaadka dalka Shiinaha oo wafdiga hoggaamiyey ayaa dhankiisa sheegay in magaalada Muqdisho ay u baahan tahay horumarin ballaaran in lagu sameeyo adeegyada guud ayna aqoon wanaagsan u leeyihiin dhinaca casriyeynta Caasimadaha. Waxana ay uga mahadceliyeen guddoomiyaha gobolka Benaadir soo dhaweynta iyo wada-shaqeynta wanaagsan.

Hoos Ka Daawo sawirrada kulanka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media