Sawirro:-Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo Maanta soo gaba gabeeyay Booqashadii uu ku yimid Soomaaliya

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti iyo Wafdigii uu hogaaminayay oo Maalmahan kusugnaa Magaalada Muqdisho ayaa Maanta ka amba baxay Garoonka Diyaaraha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaana Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ka sii sagootiyay Wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud.

Maxamed Cali Xumud ayaa inta uu ku guda jiray Socdaalkiisa Somalia ee Khamiistii uu ku yimid waxa uu Jimcihii booqday Magaalada Baladweyne, Sabtidii waxa uu khudbad ka jeediyay Xarunta Golaha Shacabka .

Ugu dambeyn Gudoonka Aqalka Sare iyo Maamulka Gobolka Banaadir waxa ay Muqdisho ugu sameeyeen Wafdigaasi Munaasabado soo dhoweyn Casho Sharaf ah,Maanta oo Talaado ahna waxa uu soo gaba-gabeeyay Socdaakiisa uu ku joogay Soomaaliya.

Hoos Ka Daawo Sawirrada Sagootinta.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media