Sawirro-:Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqday Xarunta Baarlamaanka Jabuuti

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar ku jooga dalka Jabuuti ayaa Maanta  waxa ay booqdeen Xarunta Baarlamaanka dalkaasi Jabuuti.

Booqashada ayaa waxaa ku wehlinayey guddoomiyaha baarlamaaka Jabuuti,xoghayaha Golaha Shacabka Soomaaliya Cabdi Kariin Buux,iyo xilrhibaano guddoomiyaha safarkiisa ku wehlinaya.

Wafdiga ayaa waxa ay kulan la qaateen guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti iyo xubno kale iyaga oo ka wada hadlay sidii labada baarlamaan ay u dhexmari laheyd wadashqeyn dhinac walba ah.

Guddoomiye Mursal ayaa dalka Jabuuti waxa uu u tegay in Shacabka iyo dowladaba uu kala qeyb qaato munaasabada 27-July oo ku beegan markii dowladda Jabuuti ay xurnimada ka qaadatay gumeystihii Faransiiska.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor