Sawirro:-Guddoomiyaha G/Shabeellaha Dhexe oo AMISOM kala hadlay Amniga Wadada u dhaxeysa Jowhar & Balcad

Masuuliyiin uu horkacayay Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan(Axmed faal) ayaa Maanta Booqday Ciidamo Ka tirsan kuwa Midowga Africa ee AMISOm  Xarun ka sameystay Deegaanka Haan-Shiikh ee Degmada Balcad.

Masuuliyiintan waxaa Kamid ahaa Guddoomiyaha Maamulka Degmada Balcad,Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka Shabeelaha dhexe iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Amniga ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo masuuliyiin kale.

Ujeedka Socdaalkooda Masuuliyiintan ayaa ahaa Sidii ay Iskaga kaashan lahaayeen Ciidamada Labada dhinac Sugida Amniga Wadada Isku xirta Magaalooyinka Balcad Iyo Jowhar oo ay Maalmihii dambe ka Go,een Isu Socodkeeda Masuuliyiinta Hirshabeelle.

Saraakiisha AMISOM oo ay Kulan la qaateen Masuuliyiinta ayay isla garteen Sidii ay uga wada Shaqeeyn lahaayeen Amniga Wadadaas.

Guddomiyaha Degmada Balcad  Qaasim Cali Nuur(Qaasim Furdug) Iyo Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha dhexe Axmed Meyre Makaraan (Axmed faal) ayaa ugu dambeyntii Saraakiisha AMISOM  ku wareejiyay Laba Neef oo Lo,ah kuwaas oo ay ugu tala galeen In ay ku Qadeeyaan Ciidamada,Waa Sida ay Sheegeen Masuuliyiinta.

Hoos Ka Daawo Sawirrada Kulanka.