Sawirro:-Guddoomiyaha G/Benaadir oo xariga ka jaray Xafiiska Adeegga Bulshada ee degmada Yaaqshiid

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo maanta xariga ka jaray xafiiska adeegga ee degmada Yaaqshiid ayaa balan qaaday in shacabka ku nool Caasimadda loo dhaweyn doonno adeegyada uu bixiyo maamulka gobolku, si loogu fududeeyo howlaha ay uga baahan yihiin xarunta dhexe ee dawladda hoose.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in markii hore adeegyada uu bixin doonno xafiiskan loo aadi jiray xarunta dawladda hoose, balse hadda wixii ka danbeeya shacabka ku nool degmada Yaaqshiid ay ka heli doonaan degmadooda, tani oo qeyb ka ah qorshaha maamulka gobolka ee loogu dhaweynayo shacabka dawladdnimada. Waxana kamid ah adeegyada uu xafiisku bixin doonno, shatiyada, dhalashada iyo sugnaanta, kaarka aqoonsiga ee dawladda hoose, Nootaayooyinka iyo adeegyada kale ee aas,aasiga ah.

“Anaga oo ka duuleyna balan-qaadkeennii ahaa in shacabka loogu adeeggo si daacad ah, kana shaqeyno maamul wanaagga, waxaan maanta xariga ka jarnay xarunta adeegyada ee degmada Yaaqshiid oo kaalin mugleh ka geysan doonta shaqooyinkii ay shacabku uga baahan yihiin dawladda Hoose”.Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan oo weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa kormeer ku sameeyey qaar kamid ah xaafadaha degmada Shibis oo saameyn ku yeesheen roobabkii dhowaan ka da’ay Muqdisho, isagoo xusay in maamulkiisu gacan siinayo shacabkii uu roobku saameynta ku yeeshay, isla markaana ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in la garab istaago dadka uu khasaaruhu soo gaaray.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media