Sawirro:-Guddoomiyaha G/Banaadir oo Caawa furay Barnaamijka Tartan Aqooneedka Radio Dalsan

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho En.Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yarisow ayaa Caawa daah furay Barnaamijka Aqoon iyo abaalmarin ee Idaacadda DAlsan.

Barnaamijkaan oo Sanadkiiba mar la qabto ayaa waxaa ku tartama inta badan degmooyinka dalka ha ahaato Muqdisho iyo Gobolada dalka Soomaaliya,waxana Caawa ku tartamaya degmooyinka Dharkenley oo ah Gobolka Banaadir iyo degmada Qansax-dheere oo gobolka Baay ah.

Duqa Muqdisho oo tartanka furay ayaa Maamulka iyo Shaqaalaha Radio Dalsan ku ammaanay sida ay Bulsahda Soomaaliyeed ugu adeegsaan,isaga oo ku dhiirageliyey in howsha halkaasi aksii wadaan,isla markaana sidaas uu tartanka ku furan yahay.

Agaasimaha Radio Dalsan Xasan Cali geesey ayaa isna dhankiisa waxa uu sheegay ujeedka tartankan loo qabano ay tahay sidii ay aqoontooda u tijaabin lahaayeen Dhalinyarada Soomaaliyeed,isla markaana ay isku-dhexgeli lahaayeen.

Ugu dambeyn Habeen dambe ayaa waxaa ku tartami doona degmooyinka Runil-good iyo Howl-Wadaag.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media