Sawirro:-Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka oo la kulmay Guddiyada Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Maanta kulankii ugu horreeyey waxa uu la qaatay guddiyada kala duwan ee Golaha Shacabka.

Kulanka oo ka dhacay Xarunta Villa Hargeysa ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii Wadashqeyn u dhexmari laheyd guddoomiyaha Cuusb ee Baarlamaanka iyo Guddiyada.

Guddiyada uu Maanta uu la kulmay ayaa kala ahaa Guddiga joogtada Golaha Guddiyada Amniga iyo Arrimaha Gudaha ee Golaha Shacabka,kulankaas oo ahaa kii ugu horreeyey oo uu la yeesho tan iyo markii la doortay.

Kulankaan ayaa ku soo aadaya xilli shalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu kormeeray dhamaan Xafiisyada xarunta Golaha Shacabka Iyo Dhismaha Xarunta,isaga oo kulan Isbarasho ah la yeeshay dhamaan Agaasimayasaha Iyo Agaasime Waaxeedyada Golaha Shacbka.

Hoos Ka Daawo Kulanka Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Guddiyada Golaha Shacabka.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media