Sawirro:-Goobo Ganacsi oo ay lahaayeen Ganacsato Soomaaliyeed oo la boobay

Wararka aan ka heleyno Qeybo ka mid ah Magaalada Cape town ee Wadanka Koonfur Afrika ayaa waxa ay sheegayaan in Caawa halkaasi lagu boobayo Hanti ay leeyihiin Ganacsato Soomaaliyeed.

Kooxo ka tirsan Burcada Koonfur Afrikanta ayaa weeraray Goobo Ganacsi ay leeyihiin Soomaalida dalkaasi ku nool gaar ahaan tuulada lagu Magacaabo Clifourteen.

Kooxaha Burcada ah ayaa inta badan qaatay hantidii Ganacsatada Soomaaliyeed balse Intaas kadib waxaa bilaawday dagaal u dhaxeeya Kooxaha Burcada iyo Ganacsatada Soomaaliyeed o hubkooda la soo baxay.

Wararkii u dambeeyey ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu ay kacsan tahay isla markaana uu weli socdo boobka hantida Ganacsatada Soomaaliyeed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media