Sawirro:-Gawaarida Uuralka ee Ciidamada Itoobiya & kuwa Jabuuti oo daabulaya dad uu fatahaada saameeyey

Ciidamada Jabuuti iyo kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM ee ku sugan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa bilaabay u gurmashada dadka uu saameeyey fatahaada Wabiga Shabeelle ee mara Gobolka Hiiraan.

Magalada Baladweyne inteeda badan waxaa buux dhaafiyey Biyaha Wabiga,waxana ka barakacay badi dadkii magalada ku sugnaa kuwaas oo Hoygoodii uu qaadeen Biyaha Wabiga Shabeelle.

Gawaarida Uuraalka ah oo ay wataan ciidamada Jabuuti iyo kuwa Itoobiya ayaa Shacabka looga saarayay Magalada si uusan waxyeelo ugu geysan Biyaha kaas oo fatahay Wabiga,sida ay muujinayaan Sawirro laga soo qaaday.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa qeyb ka ah qorshaha lagu badbaadinayo dadka ku nool Baladweyne e uu saameeyey fatahaada Wabiga,waxana sidoo kale korontadii ay ka maqan tahay dhammaan Xaafadaha Magalada Baladweyne.

Madaxweynaha maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Maanta tegay Xaafadaha uu Wabiga ku soo fatahay,isaga oo Biyaha dhexdooda shir jaraa’id ku qabtay,waxa uuna dalbaday in loo gurmado Shacabka Magalada Baladweyne.

Hoos Ka Daawo Sawirada Gurmadka ay Shacabka Baladweyne u sameynayaan Ciidamada Jabuuti iyo kuwa Itoobiya.