Sawirro:-Gashaanle Xasan Saalax oo ka mid noqday 7 Sarkaal oo lagu tababarey kulliyadda dagaalka NATO

Kulliyadda dagaalka ee Nato college ayaa waxaa Sanadkaan ka qalinjabisay 25 Saraakiil oo u dhashay waddamada Kala ah  Soomaaliya,Talyaniga, Mareykanka, Faransiiska, Canada, Luxembourg.svg Luksemburg, Netherlands.svg Holland, Norway.svg Norway,Portugal.svg Bortuqaal, United Kingdom.svg Ingiriiska,    Giriig ,Turki Jarmalka, iyo wadamo kale.

Dal kasta ayaa waxaa ka socday hal sarkaal waxaana Soomaaliya tababarka uga qeyb galay Gashaanlle Xasan Saalax oo ka mid ah Saraakiisha ciidanka xoogga dalka.

Saraakiishaan ayaa kulliyadda dagaalka ee NATO college lagu baray hoggaaminta dagaalka.

Tababarka ay qaadanayeen saraakiishaan ayaa ahaa mid aad u sarreeyo iyadoo tababarku socday muddo sanad iyo bar ah.

kulliyadaani dagaalka ee NATO ayaa waxaa hore tababarro ugu soo qaatay Saraakiil ay ka mid ahayeen Jeneral Maxamed Siyaad Barre iyo S/guud Maxamed Cali Samatar oo labaduba ka soo qalin jabiyay kulliyaddaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor