Sawirro:-Gaadiid dagaal iyo Ciidamo lagu wareejiyey Madaxweyne ku xigeenka Puntland

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Camey oo labadii Cisho ee la soo dhaafay ku sugnaa Magalada Buuhoodle ayaa Galabta lagu wareejiyey Ciidamo agaraya 135 Askari iyo  Gaaddiidka nooca dagaalka.

Mid ka mid ah Beelaha dega Magalada Buuhodle ayaa la sheegay in hubkaasi ay ku wareejiyeen mudane Camey,kadib markii uu ka dalbaday dadka ku nool Buuhoodle in ay ka qeyb qaataan dagaalka ay kula jiraan Soomaaliland.

Ilaa 4 Gaadiidka Tiknikada loo yaqaano iyo Ciidamo la socda ayaa la sheegay in Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdi Xakiin Cameey uu ku wareejiyey Nin matalayey Bulshada ku nool Magalada Buuhoodle kaas oo Magaciisa lagu sheegay Bashiir Osman Waraabe.

Qaar ka mid ah Waxgaradka Buuhoodle oo ku sugnaa Goobta wareejinta ayaa waxa ay sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin ka qeyb qaadashada dagaalka ka dhanka ah Maamulka Soomaaliland ee ka socda qeybo ka mid ah gobolka Sool.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media