Sawirro:-Faah faahin weerar Ismiidaamin ah oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah oo ka soo baxaya weerar ismiidaamin ah oo duhurnimadii Maanta oo Talaado ah lagu qaaday Kolonyo Gaadiidka AMISOM ah oo marayay duleedka Magaalada Muqdisho.

Kolonyadan ayaa iyaga oo maraya meel aan ka fogeyn deegaanka Weydow ee duleedka Muqdisho waxaa la sheegay in lala beegsaday Gaari NOAH oo ay ka buuxeen waxyaabaha qarxa.

Weli lama cada khasaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas,waxana Warar ay ku qoreen baraha ay ku leeyihiin Internet-ka Al-Shabaab waxa ay ku sheegeen in in ay qaraxas la beegsaden Gaari ay saarnaayeen Saraakiil Cadaan ah.

Qaar ka mid ah dadka ku nool deegaanka Weeydoow ayaa waxa ay sheegeen in ay maqleen jugta qaraxaas, isla markaana Gawaarida AMISOM lala eegtay xili ay ka yimaadeen dhanka degmada Afgooye kuna soo jeedeen Magaalada Muqdisho.

Sikastaba Saraakiisha Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM weli kama hadlin qaraxaas.

Hoos Ka Daawo Sawirrada

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media