Sawirro:-Duqii hore ee Muqdisho Taabit Cabdi oo Burundi Qado Sharaf ugu sameeyey Xulka 17-jirada Soomaaliya

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahaana duqii Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed oo ku sugan dalka Burundi ayaa Maanta waxa uu qado Sharaf u sameeyey Ciyaartoyda xulka 17-jirada dalkeena Soomaaliya.

Taabit oo goobjoog ka noqon doona Ciyaarta Galabta xulka Qaranka Soomaliya ay la leeyihiin dhigooda dalka Tanzania,isaga oo horay u sheegay in dadka Soomaaliyeed laga doonayo in ay taageeraan Ciyaartoyda Soomaaliyeed e tartanka uga qeyb galaya Wadanka Burundi.

Taabita Abdi ayaa Sheegay in uu Galabta Daawan Doono Ciyaarta Kulul,isaga sheegay in uu dhiiragelinayo Ciyaartoyda Xulka 17-jirada,isla markana uu balan qaad uu u sameeyey.

Hoos Ka Daawo Sawirrada Qado Sharaf uu u sameeyey Ciyaartoyda Taabit Cabdi Maxamed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media