Sawirro:-Duqii hore ee Muqdisho Taabid Cabdi oo Guryahooda ku booqday Dadkii uu Caafimaad ahaan ugu diray Dalka Turkiga

Gudoomiyihii hora Ee Gobolka Banadir ahaana Duqa Muqdisho Mudane Taabid Abdi Maxamed oo ku sugan Dalka Turkiga ayaa Maanta Guryahooda ugu tagay Dadkii Caafimaad ahaan Dalka Turkiga ugu  diray xiligii uu gudoomiyaha ahaa

Taabit ayaa Booqday Faaiso Sheekh Maxamed oo Bosaso uu ku dhaawacay Askari ka tirsanaa Ciidamada Puntland balse haatan xaaladeeda ay wanaagsan tahay.

Sisoo kale waxa uu tegay aadna uu u dhiirageliyay Maxamed Cumar oo wadnaha Duleelay oo hada aad u fiican  kadib markii qaliin lagu sameeyey.

Waxa uu Sidoo kale Booqday Hooyo Muxubo oo aheyd Hooyada dhashay Maxamed Yare oo saqiiray kaas oo Caafimaad ahaan loogu qaaday Turkiga.

Ugh dambeyn Taabit ayaa  booqday Wiil arday ah oo mudo ku xanuunsanaa Dalka Turkiga .

Taabid Cabdi Maxamed Duqii hore ee Muqdisho ayaa kadib markii xilka laga qaaday waxa uu sheegay in uusan joojin doonin howlaha Gargaarka ah ee uu u fidinayo Shacabka Soomaaliyeed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media