Sawirro:-Dowladda Soomaaliya oo heshiis dhanka amniga ah la galeysa Koonfur Afrika

Wefdigani oo ka socday Wasaaradda Gaanshiga iyo Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka  Soomaaliya oo K/Afrika howlo shaqo u joogay ayaa la kulmay xubna matala Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Arrimaha Dibadda,waxeyna Wefdigaas ku qaatay K/Afrika khibradaha ay K/Afrika ka baratay xilliyadii gumeysiga iyo wakhtigii xoriyadda.

Wefdigaan oo maalmo ku sugnaa K/Afrika ayaa waxay booqdeen Wasaaradda Gaanshigga dhismo xusuus u ah midib takoorka,halkaasi oo ay ku keydsanyihiin taariikhda gumeystihii midab kala sooca,  iyagoo dhinaca kale booqday xaafadda Soomaalida ay ka degan tahay Johannseburg, lana kulmay qaar ka mid ah Soomaalida.

Wasiirkii hore Wasaaradda Gaashaandhiga ahna Guddoomiyaha Guddiga Difaaca,Xuseen Carab Ciise ayaa Warbaahinta u sheegay in ay waxyaabo badan oo muhiim ah ka barteen booqashada South Africa.

“Waxyaabaha aan halkaan ka baranay waxay ahayd inaan eegno iskudhafka Ciidamada madaama ay kasoo baxeen midib kalasooca una gudbeen dimiquraadiyad iyo wadashaqeynta caawinaada labada dal iyo inay naga caawin karto Hay”adaha aminga iyo Dastuurka” ayuu yiri.

Agaasimaha Guud Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya,Sonkor Geelle ayaa isna Warbaahinta u sheegay in labada Dowladood ay kulamo kale ku kala saxiixan doonaan qodobo ay ka mid yihiin Amniga,Dhaqaalaha iyo arimo kale oo muhiim ah.

Sawirro

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media