Sawirro:-Dowladda Soomaaliya iyo Amisom oo iska kaashanaya la dagaalanka Al-Shabaab

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha Xukumada Soomaaliya Mudane C/Raxmaan Cumar Cismaan Yariisow iyo Safiirka Midowga Afriga Somaliya Francisco Madeira Ayaa Waxaa Ay ka Wada Hadleen is Kaashi Dhex Mara Warbaahinta Qaranka Iyo Amisom Qeyba Warbaahinta  Sidii Ay Ugu Wada Shaqeyn Lahaayeen Wacyi Galinta ka Dhanka ah Amniga Dalka.

Sidoo kale waxyaabaha La isla Soo Hadal Qaadey ayaa Waxaa Ka Mid Ah Doorka Iskaashi Warbaahineen Ee looga Qayb qaadan Karo La Dagaalanka Arga Gaxisada Iyo sida Wariyaasha Soomaaliyeed ay Ugu soo warami Karaan Jiida Hore Ee Daalka Ee Ka dhanka Ah Al-shabaab.

Mudane Eng C/raxmaan Cumar Yariisow Ayaa Kulanka Ka dib Warbaahinta Qaranka la Hadley Isagoona sheegay in Rajo wanaagsan Uu ka Qabo in ay Hir-Galaan Waxyaabaha Isaga iyo Ambasador Francess Madera ay Ka wada Hadleen.

ugu Dambeen Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Ee Soomaaliya Ayaa sheegey In warbaahintu Ay tahay Goobta Kaliya Ee Lagula dagaalami Karo Fikirka Qaldan Ee Shabaabka Ay Dhalinyarada Soomaaliyeed Ay ku maran Habaabiyaan.

Sawirro

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media