Sawirro:-Dowladda oo soo bandhigtay Ciidamo gaar ah oo loo diyaariyey Amniga Muqdisho

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa Xalay  kormeeray Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ay ku sugnaayeen Wasiirka Amniga, Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Saraakiisha Ammaanka iyo Masuuliyiin kale.

R/wasaare kheyre, ayaa inuu uu halkaasi ku sugnaa wuxuu la kulmay Saraakiil iyo Ciidamo Boliis ah oo heegan buuxa ugu jira sida ay ugu qayb qaadan lahaayeen adkaynta Caasiamadda Muqdisho iyo guud ahaan Dalka oo dhan.

Sidoo kale Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya iyo Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, ayaa Xarunta Booliska waxay ku qabteen shir jaraa’id oo ay uga hadleen howlaha ammaanka Muqdisho, iyaggoo Ciidanka ammaanka faray in ay Gacan Bir ah  ku qabtaan  nabad gelyada guud ee Gobolka Banaadir  ayna u naxariistaan Dadka Shacabka ah.

Ra’iisul wasaaraha ayaa u mahad celiyay dhammaan Ciidamada Qalabka sida ee ka qayb qaadanaya sugiidda amniga Caasimadda Dalka, wuxuuna faray inay muujiyaan dhabar adayg iyo feejignaan dheeri ah maaddaama la guda galaya Bisha barakaysan ee Ramadaan.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media