Sawirro:-Diyaar garoow ka socda Magaalada Hobyo iyo Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo weli ku guda jira socdaalkiisa uu ku marayo degaano ka mid ah Galmudug ayaa Maanta tegaya Magaalo xeebeedka Hobyo ee Gobolka Mudug.

Madaxweynaha ayaa qorsuhu ahaa in Maalintii shalay aheyd uu tago Hobyo balse uu ka baaqsaday,waxaana la filayaa in uu Maanta tago Magaalada Hobyo.

Magaalada Hobyo ayaa waxaa haatan ku sugan Xubno hordhac u ah wefdiga Madaxweynaha Soomaaliya ee Hobyo, xildhiabano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya sida Sanoter Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Xildhibaan Axmed Macalin fiqi.

Wefdiga Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa qeyb ka ah Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Xildhibaano iyo Wasiiro.

Madaxweyne Faramajo ayaa markii uu tago Magaalo Xeebeedka Hobyo uu dhagaxdhigi doono Dekada Magaalada Hobyo oo la doonayo in dib loo furo.

Magaalada Hobyo ayaa waxaa haatan ka socota diyaar garoow ku aadan sidii loo soo dhaweyn lahaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media