Sawirro:-Diyaar garoow ka socda Cadaado iyo Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan

Waxaa magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah maamulka Galmudug si aad ah maanta looga dareemayaa diyaargarowga loogu jiro soo dhoweynta madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo oo magaaladaasi ku wajahan.

Sawirada madaxweynaha iyo calanka Soomaaliya oo lagu xardhay boorar waa weyn ayaa lagu arkayaa goobaha ugu muhiimsan ee magaalada,waxaana dad badan ay isugu tageen xarunta madaxtooyada KMG Galmudug ee magaalada Cadaado.

Haween,carruur iyo Ciraalo ayaa magalaada isugu soo baxay kuwaasi oo qoraxda u taagan soo dhoweynta madaxweyne Farmaajo oo lagu wado in saacadaha soo socda magaaladaasi ay gaaraan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa haatan ku sugan magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug,halkaasi oo uu kulamo kula yeeshey qeybaha bulshada iyo madaxda Galmudug,wuxuu dhagax dhigay wado isku xirta Gaalkacyo iyo Hubyo,isagoo sidoo ayaa dhagax dhigay Xarunta Nabadeynta iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliyeed iyo xabsiga dhexe ee Galmudug oo laga hirgelinayo Gaalkacayo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media