Sawirro:-Dibadbax looga soo horjeeday Xarigii C/kariim Qalbi Dhagax oo ka dhacay London

Boqolaal ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Britain waxay shalay Dibadbax ballaaran ka dhigeen Fagaare ka soo horjeeda Dhismaha Safaaradda Ethiopia ku leedahay magaalladda London.

Dibadbaxayaasha waxay wateen Boorar ay ku qoran yihiin Hal-ku-dhegyo loogu baaqayo  Dowladda Ethiopia inay joojiyaan Faragelinta ay ku hayaan DFS, lana xushmeeyo Madax-bannaanida dalka Somalia.

Qaar ka mid ah Dibadbaxayaasha ayaa iyagana watay Sawiradda C/kariim Sheekh Muuse “Qalbi-dhagax”, kaasi oo bishii hore ee August 23-dii loo gacan geliyey Dowladda Ethiopia.

Dibadbaxaasi ayaa la sheegay inuu ku dhacay si nabadgelyo ah.

Hoos Ka Daawo Sawirrada

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media