Sawirro:-Dhimasho ka dhalatay Qarax Matoor Diyaaradeed oo ka dhacay Hawada Sare ee Mareykanka

Diyaarad Rakaab oo ay la socdeen 149 qof ayaa la sheegay inuu mid ka mid ah Matoorkeeda qarxay, xilli ay Diyaaradda ku jirtay Duullimaad ay isaga kala gooshaysay nagaallooyinka Dallas iyo New York.

Hadal ka soo baxay Shirkadda SOUTHWEST AIRLINES ayaa lagu sheegay in mid ka mid ah Rakaabka oo da’diisu ahayd 43-jir ku geeriyooday, hala haweeney kalena ku dhawacantay qaraxaasi.

Diyaaradaasi oo nooceedu ahaa Boeing 737-700 ayaa la sheegay inay si degdeg ah u fariisatay Garoon ku yaalla magaalladda FILADELFIYA eee Gobalka FENASLALFAANIYA ee dalka Maraykanka.

Dhinaca kale, qeybo ka mid ah Matoorka qarxay ayaa laga helay magaalladda BERNEFIILE oo 70 mayl u jirta Garoonka FILADELFIYA.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media