Sawirro:-Dhaawacyadii saaka Muqdisho oo gaaray Kenya

Wararka naga soo gaaraya Magaaladda Nairobi ee Xaruna Dalka Kenya, ayaa sheegay in magaaladaasi ay gaartay diyaaraddii waday Bukaanadda Soomaaliyeed ee ku dhaawacmay Qaraxii ka dhacay KM5, kuwaasi oo maanta ka dhooftay Magaaladda Muqdisho.

Waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Nairobi kusoo dhoweeyey Bukaanada Soomaaliyeed, Masuuliyiin ay ugu Horreeyso Wasiirka arrimaha Dibadda Kenya, Marwo Aamina Jawaahir Maxamed, Madaxda Safaaradda Soomaaliyeed ee Kenya iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka arrimaha Dibadda kenya oo Warbaahinta la hadashay soo dhoweynta ka dib, ayaa sheegtay in addeeg caafimaad oo heer sare ah loo fidin doonno Bukaanadda Soomaaliyeed ee ku dhaawacmay Qaraxii Zoobe ka dhacay, waxaana ay sheegtay in ay garab taagan yihiin Dowladda Soomaaliya, ayna kala shaqeynayaan arrimaha Nabad gelyada iyo la dagaalanka Alshabaab.

Sawiro

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media