Sawirro:-Deeq ka timid Madaxweynaha Uganda oo loo qeybiyay Qoysas ku sugan Shabellaha Hoose

Ciidamada Uganda ee ku sugan deegaanka Golweyn ee Gobolka Sh/Hoose ayaa raashin gargaar ah waxa ay qeybiyeen qoysas dan yar ah oo deggan magaladaas.

Deeqdaas ayaa loogu talo galay dadka danta yar in ay ku afuraan,waxayna ka timid Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni,iyada oo  loo soo marsiiyay ciidamada Amisom ee ku sugan Soomaaliya.

Qaar ka mid ah dadkii deeqdaas la gaarsiiyey ayaa dowladda Uganda uga mahad celiyey deeqdaas,iyaga oo sheegay in lagu soo beegay waqtigii loogu talo galay.

AMISOM ayaa dhowr jeer sidaan oo kale waxa ay deeq kala duwan gaarsiiyeen qoysas ku sugan Gobolka Shabeellaha Hoose.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor