Sawirro:-Dariiqadda Suufiyadda Somalia iyo Turkiga oo heshiis kala saxiixday

Wargeyska Al-dastuur ee ka soo baxa magaalladda Qaahira waxa uu qoray in Shiikha Dariiqadda Rufaaciyadda Turkiga, Dr. Maxamed Al-xadiid kulan la yeeshay Wasiiru-dowlaha Madaxtooyadda DFS, ahna Hormuudka Jamaacadda Iimaam  Al-shaafici ee magaalladda Muqdisho, Dr. C/qaadir Macallim Nuur.

Kulankaasi oo habeenkii Sabtiga ka dhacay magaalladda Istanbuul, waxa uu Wasiir C/qaadir Macallim Nuur faahfaahin kooban ka bixiyey doorka Imaam Al-rufaaci ee Turkiga ee Cilmiga Diinta iyo Arrimaha Ardayda.

Kulankaasi waxaa kaloo looga hadlay sidii loo xoojin lahaa Dhaqdhaqaaqyadda Cilmiga Suufiyadda ee dalalka Islaamka.

Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in Ardayda Soomaalida loo soo diro Xarunta Al-riwaq ee magaalladda Istanbuul, si ay uga bartaan Cilmiga Islaamka.

Dhinaca kale, Hadal-qoraal oo ay Dariiqadda Rufaaciyadda Turkiga u gudbiyeen Wargeyska Al-dastuur  ayaa lagu sheegay in Kaadiriin Sare oo ka socota Machadka Imaam Al-rufacai ee Cilmiga Islaamka ee dalka Turkiga loo soo diri doono Somalia si ay  Koorsooyin uga furaan Jamaacadda Iimaam Shaafici ee Somalia.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media