Wararka naga soo gaaraya Caawa degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Kaalin Shidaal oo ku taalla uu debka kacay.
In kastoo aan la ogeyn sababta ka dambeysa debkaas,balse waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen ilaa Saddex Ruux.
Dadka degmada qaarkood ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in sidoo kale uu jiro khasaaro maaliyeed ee uu dhaliyay balse ilaa iyo hadda aysan cadeyn Karin inta uu la egtahay.
Mid ka mid ah Gawaarida deb demiska ayaa Goobta uu debka ka kacay gaaray kaas oo ugu dambeyn demiyay demkii,iyada oo gurmada ay sameynayeen qaar ka mid ah Shacabka ku nool degmada Cabud waaq.
Hoos ka Daawo Sawirrada Debka Caawa ee Cabud Waaq.