Sawirro:-Daacish oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkii Ninka Soomaaliga ka geystay dalka Belgium

Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Syria iyo Iraq ayaa ku dhawaaqday mas’uuliyadda weerarkii uu Ninka Soomaaliga ee haysta dhalashadda dalka Belgium uu Jimcihii ka geystay bartamaha caasimadda dalkaasi ee Brussels.

Wakaalladda Wararka u faafisa Kooxda Daacish ee lagu magacaabo AMAQ ayaa sheegtay in Ninkaasi uu xubin ka ahaa Kooxdooda, isla markaana uu fuliyey Baaqii Kooxda Daacish ee ahaa in weeraro laga geysto dalalka Isbahaysiga ka ah Hawlgalka Milliteri ee ay Maraykanka ka wadaan dalalka Syria iyo Iraq.

Warka ka soo baxay Kooxda Daacish laguma xusin magaca Ninka Soomaaliga ee weerarkaasi fuliyey,.kaasi oo ay Ciiddanka Belgium toogteen, kadib, markii uu  Tooreey ku weeraray Askar ilaalo ka haysay Bartamaha magaalladda Brussels

Dhinaca kale, Kooxda Daacish waxay sheegatay mas’uulliyada labadii weerar ee isbuucii hore ka dhacay meel ku dhow magaalladda Barcelona ee dalka Spain, laguna dilay 15-qof, laguna dhaawacay in ka badan 100-kale.

Sannadkii hore, xubno ka tirsan Kooxda Dacaish ayaa isku qarxiyey caasimadda dalka Belgium, waxaana ku geeriyootay 35-qof, halka 340-kalena ku dhaawacmeen.

sawirro

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media