Sawirro:-Cutubyo ka tirsan Ciidanka Itoobiya oo soo gaaray Gobolka Gedo

Cutubyo ka tirsan Ciidamada dowladda Ethiopia ee qaybta ka ah Ciidmada Nabad Ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM ayaa ka soo gudbay xuduudda ay Ethiopia la wadaagto Soomaaliya, waxaana ay ka qeyb qaadan doonaan howlgallada la qorsheynayo in guud ahaan dalka oo dhan lagaga cirirb tiro maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa haatan ku sugan Degmada Luuq ee Gobalka Gedo, iyadoo ay Saldhigyo ka samaysan doonaan deegaanno iyo Degmooyin ka tirsan Gobalka iyo qaar ka mid ah Gobollada Koonfurta.

Guddoomiye ku-xigeenka Gobalka Gedo Sheekh Maxamed Xuseen Isaakh oo Warbaahinta lahadlay ayaa xusay in cutubyada cusub ee ciidanka Ethiopia ay qeyb ka noqon doonaan ciidanka AMISOM ee ka howlgalla Koonfurta Dalka.

“Ciidamada ka soo gudbay xadka waxa ay qeyb ka yihiin ciidanka howlgalka AMISOM, anagana kan gobol ahaan waxaan isu diyaarinay inaan qaadno howgallo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab” ayuu yiri Sheekh Maxamed Xuseen.

Muddooyinkan Degmoyinka Gobalka Gedo waxaa ka soconayay abaabul ciidan oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, si looga ciribtiro meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan.

Sawirro

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media